Shirweynihii 1-aad ee madasha garaadka macmalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

5 December, 2024

Madasha garaadka macmalka Soomaaliyeed (AI Somalia) ayaa maanta si guul leh u qabatay shirweynihii 1-aad ee garaadka macmalka Soomaaliyeed (AI Summit Somalia) oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo cinwaankiisu ahaa “U isticmaalidda garaadka macmalka ee xalalka Waara” ayaa isu keenay khubaro Soomaaliyeed iyo ajnabi ka kala yimid daafaha dunida, kuwaas oo ka dooday mowduucyo muhiim ah oo ku saabsan sida Garaadka Macmalka loo isticmaali karo si loo horumariyo dalka iyo bulshada guud ahaan.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u soo abaabulay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda iyo madasha garaadka macmalka Soomaaliyeed, iyadoo wasiir dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta, Xil. Axmed Cismaan Diiriye uu si rasmi ah u daahfuray shirkan.

Shirku waxaa laga soo jeediyay khudbado xiiso leh oo diiradda saaraya dhowr mowduuc oo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa:

Muhiimadda garaadka Macmalka ah (AI) iyo doorka Dowladda, istaraatiijiyadda gaaraadka macmalka ee Afrika 2024-2030, garaadka macmalka iyo amniga Internetka, saamaynta Jireed iyo bulsho ee garaadka macmalka iyo u adeegsiga beeraha.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay dood cilmiyeedyo iyo ka hadlay arrimo muhiim ah, sida:

Kaalinta Hay’adaha Tacliinta Sare iyo cilmi baarista Garaadka Macmalka si loo gaaro horumar waara iyo Istaraatiijiyadda Garaadka Macmalka ee Qaranka

Ugu danbayn waxaa shirka soo xiray Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam, Maxmed Maxamuud Xarbi, kaasoo sheegay in Madasha Garaadka Macmalka Soomaaliyeed ay noqon doonto mid sanadle ah, laguna falanqeyn doono horumarka laga gaarey teknoolojiyada casriga ah iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay ula jaanqaadi karto isbeddeladaas.

Shirka ayaa sidoo kale fursad u siiyay khubarada iyo siyaasiyiinta Soomaaliya inay isla eegaan mustaqbalka teknoolojiyadda casriga ah iyo sida looga faa’iideysan karo si loo xalliyo caqabadaha dhaqan-dhaqaale iyo bulsheed ee dalka ka jira.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta, Xil. Axmed Cismaan Diiriye, ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dhexmara dhammaan qaybaha bulshada si loo gaaro horumar waara oo ka dhasha teknoolojiyadda Garaadka Macmalka.