Hay’adda Jinsiyadaha iyo socdaalka dowladda federalka ah ee Somalia ayaa awaamiir duldhigtay muwaadiniinta doonaya inay qaataan…

Hay’adda Jinsiyadaha iyo socdaalka dowladda federalka ah ee Somalia ayaa awaamiir duldhigtay muwaadiniinta doonaya inay qaataan baasaboorka Somalia, laga bilaabo 1-da bisha 7aad ee sanadkaan 2026.
Qoraal ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ama shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA) uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ama shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA) uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.
Sidaa darteed, qof kasta oo aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga waxaa lagu boorinayaa in uu si deg deg ah u bilaabo qaadashada iyo codsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay muwaadiniinta ogeysiinaysaa in dukumintiyada lagu dalbado baasaboorka ay noqon doonaan nuqullada koobiga ah (copies), halka nuqullada asalka ah dib loogu celinayo codsadaha baasaboorka laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 13ka May 2026.





