Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isfaham ka gaarey khilaaf muddo u dhexeeyey.

27 May, 2025

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Dubai…

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku wajahan dalka Kenya.

Xog hoose oo warbaahinta guduhu heshahy ayaa tilmaamaysa in labada mas’uul ay isfaham ka gaareen mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya, kadib kulamo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta.

Labada Madaxweyne ayaa la soo weriyey inay isku raaceen sidii ay uga wadashaqayn lahaayeen danaha labada maamul iyo sidii ay hal meel uga soo wada jeensan lahaayeen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Magaalada Nairobi ayaa lafilayaa inay kula kulmaan qaar kamid ah saaxiibada Somalia iyagoo bilaabi doona dhaqdhaqaaqyo ay taageero ugu muujinayaan siyaasiyiinta mucaaradka ee xilligaan ku sugan magaalada Muqdisho.