Aqalka looga arrimiyo Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kulan muhiim ah ku yeelanaya madaxda…

Aqalka looga arrimiyo Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kulan muhiim ah ku yeelanaya madaxda ugu sarraysa Dowladda Federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Muqdisho.
Bar-bilowga shirkaan oo muddo la dhawrayey ayaa ku bilaan doona soodhaweyn uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu samayn doono Villa Somalia, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Madaxdii hore ee heer federal iyo xubnaha kale ee golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga arrinsan doonaa xaaladda guud ee ay xilligaan ku sugan tahay Somalia gaar ahaan dhinacyada ammaanka, doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo qodobo kale oo quseeya marxaladaha kala guurd.
Golaha Mustaqbalka ayaa balanqaaday inaysan ka tegi doonin Muqdisho inta xaaladda doorashadu dhinac u dhacayso iyadoo dhinacyadu maalmihii la soo dhaafay muujinayeen niyadsami ku aaddan qabsoomidda shirkaan muhiimka ah.




