Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee dowladda federalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulankaan ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalku marayo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo mucaaradku u qaadan lahaayeen go’aamo midaysan oo ku aadan arrinkaasi.






