Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka gaarey deegaanka Dharjaalle ee…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka gaarey deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari, oo ah goobtii ay weerarkii ugu horreeyey ee qaraxyo iyo ajaaniib hubaysan ah ku soo qaadday bilowgii hawlgalkii Hillaac December 2025.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey soo dhaweyntiisa ayaa sheegay in Dharjaalle isbeddel weyn ka muuqdo lagana dareemayo dhiiggii ay ciidanka Puntland u shubeen, isagoo ku dhawaaqay dhagax dhigga taallada shuhadadii ku nafweydey hawlgalkii ka dhacay buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa digniin u diray shaqsiyaad Soomaali ah oo uu sheegay inay dhuumaalaysi ku yihiin godad buuraha ku yaalla, isagoo ugu yeeray inay dadkooda ku soo laabtaan kahor inta aysan dowladdu tallaabo ka qaadin, wuxuuna ballanqaaday in ciidamada dowladdu ay wixii hadda ka dambeeya ka hawlgeli doonaan deegaan walba.




