Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in sugidda ammaanka Puntland ay ku bixin doonaan dedaal…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in sugidda ammaanka Puntland ay ku bixin doonaan dedaal dheeri ah, ciidankana loo dhammaystiri doono dhammaan tasiilaadka ay ubaahan yihiin.
“Dadkeena iyo ciidamadeena waa tababaraynaa waxkasta oo u sahlaya waajibaadkiisa inuu gutana duruufkasta oo nala gasha waa keenaynaa, waana waajib diini ah, waxaan rabnaa umaddeenu inay u noolaato sida umadaha adduunku u nool yihiin”, Madaxweyne Deni.
Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka reer Puntland inay gacmaha isqabsadaan isla markaana aysan khasaarin nafhurnimada iyo dedaalka ay ciidanku ku bixiyeen ammaanka si inta ka dambaysa ay nolol wanaagsan ugu noolaadaan, isagoo carrabka ku adkeeyey inaan loo dulqaadan doonin ciddii wax yeelaynaysa amniga Puntland.
“Waxaan rabnaa inaan gacmaha is wada qabsano, amniga dhiiga badan ku daatay oo dhalinyaradeenii qaarkood aysan weli curan u dhinteen qaarna u naafoobeen waxay u sameeyeen inta idinka dambaysa nolol fiican haku noolaato, marka qofka intaa raba inuu siyaasadeeyo inagoo isku duuban inaan iska qabano, waa inaan indhaha laga fiirsan dadka xun ee bulshada ku dhex jira”, Madaxweynaha Puntland.