Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gelinki magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gelinki magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, si ay uga arrinsadaan xaaladda guud ee Somalia.
Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dardargelinta wada-hadallada la xiriira doorashooyinka dalka, ammaanka, waxka-beddelka dastuurka iyo sidii loo heli lahaa hannaan siyaasadeed oo lagu maareeyo marxaladda kala guurka ee Soomaaliya, xilli aan weli heshiis laga gaarin jihada doorasho ee Somalia u dhaqaaqayso.
Dhanka kale, ilo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu Nairobi kulamo gaar ah kula yeelan karo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo labada maamul-goboleed ay ka wada tashanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Wakiilada beesha caalamka ayaa ku cadaadinaya madaxda dowladda federalka ah ee Somalia, Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland & siyaasiyiinta mucaaradka inay heshiis ka gaaraan jihada doorasho ee dalka, xilli uu dhammaaday muddo xileedkii lagu doortay hay’adaha dowladda.




