Taliyaha ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay xerada Ligle ee duleedka Garoowe Jimcaale Jaamac Takar ayaa habeenimadii…

Taliyaha ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay xerada Ligle ee duleedka Garoowe Jimcaale Jaamac Takar ayaa habeenimadii xalay dib ugu soo laabtay Garoowe kadib muddo bil ka badan oo uu ku maqnaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Laascaanood.
Jimcaale, ayaa muddadii uu ku maqnaa Muqdisho kulamo la qaatay Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia oo horay u qarameeyey ciidanka uu xukumo, iyadoo ay xilligaasi soo ifbexeen warar sheegaya in loo magacaabay taliyaha Taliska 54aad ee ciidanka xoogga Somalia oo lagu mideeyey ciidada DFS uga diiwaangashan Puntland.
Xukuumadda Puntland oo ka duulaysa sugidda ammaanka iyo xakamaynta saamaynta DFS ee deegaamadeeda ayaa intaasi kadib soo saartay wareegto heer xukuumadeed ah oo lagu joojiyey isu socodka gaadiidka dagaalka, ciidamada, saraakiisha iyo dhammaan siyaasiyiinta xilalka ka haya DFS ee deegaamada Puntland.
Tallaabadaasi ayaa Magaalada Garoowe ka abuurtay xiisad ku aadan soo dhaweynta Jimcaale, iyadoo laga cabsi qabey dagaal dhexmara ciidamada ka amar qaata oo doonayey inay soo geliyaan Magaalada caasimadda ah iyo laamaha ammaanka Puntland ka digey tallaabadaasi, waxaana billowday waanwaan ay wadeen qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal oo Jimcaale safarkiisa u weeciyey Magaalada Laascaanood.
Guddi ka kooban 13 xubnood oo ka socdey qaybaha bulshada Gobolka Nugaal ayaa kala dabqaadis dheer kadib ku guulaystey in Dowladdu ogolaato in Jimcaale uu soo dhaweyn la’aan soo galo Magaalada Garoowe lagana shaqeeyo sidii labada dhinac laysugu keeni lahaa si meesha looga saaro xiisad dagaal iyo qalalaase ka dhaca Puntland.
Julay 16-keedii ayaa gaadiid dagaal oo doonayey inay Jimcaale ka soo gelbiyaan Laascaanood lagu celiyey kantaroolka Waqooyi ee Magaalada Garoowe, waxaana laamaha ammaanka Puntland sheegeen inuu weli taagan yahay amarkii la xiriiray mamnoocista dhaqdhaqaaqa ciidamad ayna la mid yihiin ciidankii Maxamuud Mashruuc oo horay looga celiyey Kantaroolka Bari ee Magaalada Garoowe, waxaana markale arrinta dhexgalay guddiga ka socda gobolka Nugaal.
Dhinacyada ayaa isku afgartay in Jimcaale ay soo gelbiyaan gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Wasiiro iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Nugaal oo ka diiwaangashan dowladda, iyadoo ugu dambayn lagu guulaystey inuu soo gaaro Garoowe oo uu xalay kulamo kula qaatay Wasiiro, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal.
Qaar kamid ah guddiga dhexdhexaadinta ayaa sheegay inaysan dhinacna ka ogolaan doonin colaad ka dhacda Garoowe, waxayna sheegeen inay ka shaqayn doonaan sidii loosii ambaqaadi lahaa wadahadalka iyo isu soo dhaweynta labada dhinac.




