Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka dowladda federaalka ee NISA ayaa barteeda twitterka ku baahisay muuqal Fanaan Somaliyeed…
Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka dowladda federaalka ee NISA ayaa barteeda twitterka ku baahisay muuqal Fanaan Somaliyeed oo 7 sanno ka tirsan ururka Alshabaab.
Fanaankan oo lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmed ayaa ka mid ahaa kooxda fanaaniinta gobolka Banaadir, isagoo ka heesi jiray xaflada gobolka, muuqaalo iyo heesana u duubi jiray telefishanka dowladda federaalka
” Magacaaygu waa Abshir Gaarane Axmed, waxaan ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir. Ururka Alshabaab waxaan ku biiray 2013kii, waxaan u un qaabilsanaa argagaxisada AlShaabab dabagalka xogta & Maaliyadda” ayuu yiri Fanaan Gaarane
Hay’ada NISA waxay sheegtay inay fanaankan loo gudbin doono hay’ada garsoorka si loogu maxkamadeeyo dambiyada uu galay.
HORSEEDMEDIA