Sirdoonka Holland oo sheegay in weerar dhanka Internetka ah kusoo qaaday Ruushka

23 April, 2025

Hay’adda sirdoonka millatariga Holland ayaa ka digtay weerarrada sii kordhaya ee ka imanaya Ruushka si ay u khalkhal geliyaan bulshada. Warbixintan sirta ah ayaa sidoo kale soo xigatay hanjabaado ka imaanaya Shiinaha xilli ay taageerayaan Moscow.

Ruushku waxay beegsadeen xarumaha dadweynaha ee Holland sannadkii hore, Hay’adda Sirdoonka Militariga Holland iyo adeegga amniga MIVD ayaa sheegay Talaadadii.

Bartilmaameedku wuxuu ahaa nidaamka isgaarsiinta ee xarun dadweyne oo aan la shaacinin weerarkii ugu horreeyay ee Ruushku ku qaaday kaabayaasha muhiimka ah ee Holland, MIVD ayaa ku sheegtay warbixinteeda sannadlaha ah.

Warbixintu waxay dib u eegtay weerarro kale oo dhanka internetka ah oo ka dhan ah xulafada Yurub xili uu socdo dagaalka Ukraine.

Holland waa “dal ay si gaar ah u beegsanayso” Moscow sababtoo ah taageerada joogtada ah ee dalkaasi siiyo Ukraine, sida ay sheegtay hay’ada MIVD.

Toddobaadkii hore, Wasiirka Difaaca Holland, Ruben Brekelmans ayaa ku dhawaaqay €150 milyan ($ 172 milyan) oo loogu talagalay nidaamka difaaca hawada ee Ukraine.