Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa xafiis kumeel gaar ah ka furatay magaalada Boosaaso , iyadoo…

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa xafiis kumeel gaar ah ka furatay magaalada Boosaaso , iyadoo saraakiil ka socda ay booqdeen ugu yaraan labo jeer tan iyo markii uu bilowday hawlgalka Hillaac ee Cal-miskaad.
Xafiiskaan ayaa ciidanka Puntland ka caawiyey fududaynta duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaad oo hadda lagala wareegay inta badan dhulkii ay ku sugnaayeen, sida ay daahqaaday shabakadda xogaha sirdoon soo bandhigta ee Africa Intelligence oo fadhigeedu yahay dalka Faransiiska.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in saraakiisha CIA-da Maraykanku ay tababaro siiyeen xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, si loogu fududeeyo dabagalka shaqsiyaadka looga shakisan yahay nabaddiidka.
Sidoo kale, waxaa Boosaaso yimid xubno ka socda hay’adaha sirdoonka dalalka UK iyo Morocco, kadib markii xubno haysta dhalashada dalalkaasi lagu diley dagaaladii ka dhacay buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland.



