Maamulka Suuriya ayaa fashiliyay isku day ay dagaalyahannada ISIL (ISIS) ku doonayeen in ay ku qarxiyaan macbad ay Shiicadu xushmeeyaan oo ku taal duleedka Dimishiq, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dawladda ee SANA.

Ciidamada sirdoonka iyo kuwa ammaanka ayaa “ku guuleystey in ay fashiliyaan isku day ay ISIL ku dooneysay inay qarax ka geysato gudaha macbadka Sayida Zeinab”, ilo ka tirsan sirdoonka Suuriya ayaa u sheegay SANA Sabtidii.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa soo bandhigtay sawirrada afar nin oo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda ISIL oo lagu qabtay baadiyaha ka baxsan caasimadda.
Waxa ay sidoo kale daabacday Sawirada qalab la sheegay in lagu soo qabtay Eedeysanayaasha oo ay ku jiraan teleefono, Labo Qori, Saddex Walxaha Qarxa iyo Dhowr Bam Gacmeed.
Sawirada ayaa muujinaya warqadaha aqoonsiga ee laba qof oo Lubnaaniyiin ah iyo Falastiiniyiin qaxooti ah oo ku nool Lubnaan.
Horseed Media