Siyaaiyiin lagu eedeeyey inay jihadii ka leexiyeen dowlad dhiskii KHATUMO.

18 July, 2025

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socdey kulamo hoosaadyo lagu…

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socdey kulamo hoosaadyo lagu xallinayo qaabka loo qaybsanayo golaha cuqaasha KHATUMO iyo xubnaha ergooyinka ka qaybgelaya shir-weynaha dhammaystirka maamulka KHATUMO.

Qaar kamid ah ergooyinka matalaya beelaha ee ku sugan Laascaanood ayaa qaaddacay qaabka loo qaybsaday golaha dhaqanka iyo ergooyinka, iyagoo ku eedeeyey wakiilada DFS iyo siyaasiyiin ka yimid Muqdisho inay ku takrifaleen shaqooyinkii socdey.

Xildhibaan hore Siciid Xasan (Jajabsey, oo kamid ah siyaasiyiinta ka soo socdaalay gobolka Sanaag ayaa sheegay in siyaasiyiin ka yimid Muqdisho iyo hoggaamiyaha maamulka KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) ay qol ku soo xirteen hanaankii dowlad dhiska isla markaana ay beelo gaar ah u qaybiyeen xubnihii miiska saarnaa.

“Xubnaha la shaaciyey waxaa go’aankeeda iyo soo saariddeeda lahaa odayaal siyaasiyiin ah oo ka yimid Xamar iyo hoggaamiye Firdhiye ayey ku koobnayd bulshadana wax talo ah lagama siin, waxaana soo baxay xubno ay qaybsadeen nimankaa siyaasiyiinta ah beelohoodu”, Ayuu yiri Xildhibaan hore Siciid Xasan (Jajabsey).

Xildhibaan hore Siciid Xasan (Jajabsey) ayaa yiri markale,”Waxaa soo baxay tuhunkii ay dad badan qabeen ee ahaa in barnaamijkaan Muqdisho lagu soo dhisay Laascaanoodna diyaarad lagu keenay, waxaa dhacay yeeris bulshada lagu sameeyey, waxay wataan dano gaar ah loogumana talagelin in lagu wada qanco laakiin waa wax la dedejinayo oo jadwalaysan oo dhacdooyin kale lagu aadinayo niman siyaasiyiin ahna rabaan inay goob doorasho ka dhigtaan”.