Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha maamulka KHATUMO ayaa siweyn u qaaddacay war-qoraal ah…

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha maamulka KHATUMO ayaa siweyn u qaaddacay war-qoraal ah oo xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Puntland.
Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sheegay in warka Puntland uu hurinayo colaad iyo khilaaf horleh loona baahan yahay in wixii tabasho labada dhinac ah si hoose lagu dhammeeyo lagana shaqeeyo nabadda iyo deris wanaagga.
“SSCKhaatumo waa go’aan shacab oo aqoonsi buuxa ka haysta DFS; waraaqda Puntland waxay faragelin ku tahay jiritaabka SSCKH, wixii tabasho ah waa in lagu wajaho si aan wax u dhimayn dadka walaalaha ah ee labada dhinac.”



