Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah siyaasiyiinta deegaamada SSC KHATUMO Cabdirisaaq Khaliif Axmed…

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah siyaasiyiinta deegaamada SSC KHATUMO Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa si adag uga hadlay booqashadii RW Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood iyo dagaalo ka dhacay gobolka Sanaag.
Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ugu horrayn bogaadiyey booqashadii RW Xamse ee Laascaanod, wuxuuna tilmaamay inay soo afjartay sheegashadii gooni goosadka Somaliland ayna xoojinayso midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.
Dhanka kalena, Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu caddeeyey in safarkii waftiga Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood ay banaanka keentay in Somaliland aysan doonayn nabad iyo wada noolaansho bulsho ayna kaga jawaabtey weerar lagu qaaday dad shacab ah.
“Waxay arrintaasi qaawisay sheegashooyinkii maamulka Somaliland, falcelintii maamulka Cirro waxay noqotay in dad birimageydo ah lagu weeraro deegaamo katirsan gobolka Sanaag, waxayna muujinaysaa in wax nabad ah aan laga dhegaysan doonin wax nabad ah”, Ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif Axmed.