Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlay xiriirka Puntland iyo SSC KHATUMO.

29 June, 2025

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood…

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood ee caasimadda SSC KHATUMO.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo isaga casiley xilkii Somaliland qaddiyadda bulshada deegaankiisa ayaa goobtii soo dhaweynta kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha SSC KHATUMO.

“Waxaan shaacinayaa inaan isu taagey jagada madaxtinimo ee SSC KHATUMO, inaanan markii 2aad ku dhega adaygi karin, waxaan go’aansaday inaan iraahdo maanta waxaan rabaa inaan meeshay marayso horay uga sii qaado”, Ayuu yiri.

Cabdirisaaq Khaliif oo ka dalbaday xukuumadda hadda jirta inay doorashada xilligeeda ku qabato ayaa siweyn u dhaliilay shaqsiyaad baraha bulshada kaga dhaliilay inuu SSC KHATUMO dib ugu celinayo gacmo kale.

“Waxaa jira dad yiraahda SSC meelbaa loo kaxaynayaa dadkaasi waxay caynayaan garaadkeena, SSC waa ka gudubtey meel qof iyo ka badan ay meeshay rabaan ugu hoggaan qaadaan, waa maamul jira oo la jaanqaadaya maamulada kale ee Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Markale.

Musharaxa ayaa dhanka kalena ka hadlay arrimaha Puntland, “Puntland waxaan noqon doonaa laba maamul oo walaalo ah oo midba midka kale kaabo, wixii aragti kala duwanaan ahna laysugu dulqaato, wixii kale ee la wadaagana waxaan ahay qof garanaya oo aan ka boodi karin”.