Cismaan Abukar Dubbe, oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda federalka ah ee Somalia ayaa…

Cismaan Abukar Dubbe, oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda federalka ah ee Somalia ayaa muddo kadib dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Dubbe oo loo sameeyey soo dhaweyn ballaaran ayaa muujiyey inuu siweyn u taageersan yahay gooni u goosadka Somaliland, taasoo qayb ka noqotay sababta uu xilka uga tanaasulay.
Hadal-jeedintiisa ayaa siweyn ugu weeraray Madaxda iyo guud ahaan hanaanka dowladeed ee Somalia, wuxuuna sheegay inuu u maqnaa Somaliland,“Somaliland kama maqnayn ee waan u maqna, Xamar waa magaalo la haysto oo aan xor ahayn.”
Bishii hore, Cusmaan Dube wuxuu iska casilay xubinimadiisii xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu shaaciyay inuu ka tanaasulay aragtidii midnimada Soomaaliya iyo taageeradii uu u hayay.



