Xildhibaan hore Siyaasi Cabdiraxmaan Dhoore ayaa waraysi uu bixiyey kaga hadlay colaadda Maalinimadii shalay ka soo…

Xildhibaan hore Siyaasi Cabdiraxmaan Dhoore ayaa waraysi uu bixiyey kaga hadlay colaadda Maalinimadii shalay ka soo cusboonaatay Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.
Siyaasi Dhoore ayaa sheegay inuu arrimaha noocaan ah muddo badan ka digayey ayna ka mid ka daran dhici doonto haddii aysan bulshada gobolku si madax banaan uga tashan aayohooda siyaasadeed, isagoo ku baaqay in lakala qaado ciidamada dagaalamay.
“Labaduba waa garbahaygii oo maagcyo loo kala sheegay waana arrin aan muddo ka digayey inaan hal meel isugu luga-duwano, waxaana ku baaqayaa in dagaalka halkaas lagu joojiyo”, Ayuu yiri siyaasi Dhoore.



