Siyaasi Guuleed Saalax,”Puntland waxay go’doon ku tahay qol madaw”.

24 May, 2025

Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland marna isu soo taagey…

Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland marna isu soo taagey xilka Madaxweynenimo ee Puntland ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada caasimadda ah ee Garoowe.

Dr Guuleed Saalax Barre oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gararoowe ayaa walaac ka muujiyey hab maamulka xukuumadda haatan jirta ee Puntland, wuxuuna Madaxweyne Deni ku eedeeyey inuu mashaariicdii iyo arrimihii dowliga ahaa gacanta ugeliyey qoys gaar ah.

“Waxaa sii kordhaysa tabashooyinka ay qabaan dhammaan shacabka Puntland oo ay ugu dambaysay kacdoonka gobolka Mudug, waxaa kaloo sii korortay dayaca nololeed ee bulshada Puntland maanta ku sugan yihiin, Maamulkii Puntland wuxuu usii siqayaa inuu noqdo shirkad ganacsi oo ay maamulaan qaraabada dhaw ee Madaxweyne Deni”, Ayuu yiri Guuleed Saalax Barre.

Dhanka kalena, Guuleed ayaa sheegay in Puntland ay ka maqan tahay maqaamkii iyo miisaankii ay ku lahayd Soomaaliya ayna qol ugu xiran tahay rabitaanka shaqsiyadeed ee Madaxweyne Deni, isagoo xukuumadda ku eedeyey inay buuraha Cal-miskaad iyo Cal-madaw geynayso shirkado calooshood u shaqaystayaal ah.

“Maanta waad la socotaan go’doon baynu kujirnaa, wax Allaale iyo wixii aynu ku lahayn Soomaali bannaan baynu ka joognaa xuluufo iyo saaxiibo ma haysano waxaynuna qol ugu jirnaa rabitaanka Madaxweynaha, xubno kamid ah qaraabada dhawr ee Madaxweyne Siciid Deni waxay si sharci darro ah khayraadkii dalka ugu soo kiraysteen shaqsiyaad calooshood u shaqaystayaal ah”, Ayuu yiri Markale Guuleed Saalax Barre.