Siyaasi Jaamac Shabeel oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood.

5 November, 2025

Jaamac Shabeel oo kamid ah siyaasiyiinta sida-weyn caanka uga ah deegaamada Maamulka Somaliland ayaa lagu soo…

Jaamac Shabeel oo kamid ah siyaasiyiinta sida-weyn caanka uga ah deegaamada Maamulka Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari.

Musharax Madaxweyne Jabuutaawi iyo qaar kamid ah bulshada Magaalada Laascaanood ayaa ka qaybgalay soo dhaweyn kooban oo garoonka diyaaradaha Laascaanood loogu sameeyey siyaasi Shabeel.

Siyaasi Jaamac Shabeel oo lagu xusuusto inuu ka soo horjeedey dagaalkii Somaliland ee gobolka Sool ayaa dhawaan sheegay inuu ka shaqayn doono nabadaynta labada dhinac iyo sidii loo siidayn lahaa boqolaalka maxbuus ee ku xiran Laascaanood.