Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan Magaalada Muqdisho si uu…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan Magaalada Muqdisho si uu ugu biiro siyaasiyiinta mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa la qorshaynayaa inuu ka qaybgalo kulamo siyaasadeed oo ay wadaan madax hore oo dalka soo hoggaamisay ayna kamid yihiin Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, siyaasiyiin mucaarad ah, xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku qulqulaya Muqdisho ayaa yeelanaya shirweyne ay ku mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Muddada uu socdo shirkaani ayaa waxaa lafilayaa in diiradda lagu saaro arrimaha doorashooyinka, amniga dalka, geeddi-socodka Dastuurka iyo xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka jirta xilligan.



