Siyaasiyiin ka digey weerar lagu qaado maamulka Jubbaland.

14 May, 2025

Qaar kamid ah Madaxdii hore ee soo martay Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo miisaan leh ayaa…

Qaar kamid ah Madaxdii hore ee soo martay Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo miisaan leh ayaa Wadajir u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Siyaasiyiintaan miisaanka ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa ay walaac ballaaran ka muujiyeen jihada uu dalku u socdo iyo sida ay u arkaan in Madaxweynuhu uga weecday doorkii laga sugayay.

Madaxdu waxay shaaciyeen in gabi ahaanba ay dhimatay Madashii Wadatashiga Qaran ee ahayd meesha isku keenta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhanka kalena, siyaasiyiintaan ayaa ka digey fidnimo iyo dagaalo horleh oo laga huriyo deegaamada maamulka Jubbaland xilli ay markale DFS qorshaynayso inay weerar ku qaaddo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.