Siyaasiyiin la tartamaya Madaxweyne Lafta-gareen oo xadka Kenya uga gudbey Koonfur Galbeed.

Siyaasiin u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia kana soo horjeeda DFS ayaa maanta gelinkii…

22 March, 2026

Siyaasiin u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia kana soo horjeeda DFS ayaa maanta gelinkii dambe la soo weriyey inay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha gaarey Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa kmaid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdirahmaan Xildhibaan Xasan Cabdinuur, iyo Xildhibaan Saransoor.

Siyaasiyiintaan oo horay ugu sugnaa gudaha Magaalada Nairobi ayaa gaarey xuduudka Kenya iyo Somalia, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin qaabka ay ku gaareen Magaalada Baydho oo DFS ka joojisay duulimaadyadii rayidka.

Siyaasiyiintaan ayaa la rumaysan yahay inay la tartami doonaan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoo haddii ay kursiga waayaan quuddarraynaya ku soo bixidda kuraasta labada aqal ee ka imaanaya deegaamada Koonfur Galbeed Somalia.