Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay…

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in siyaasiyiin raadinaya kuraasta barlamaanka ee doorashada 2026 ay qalalaase siyaasadeed ka wadaan SSC KHATUMO.
Siyaasi Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim (Ataash), oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in shaqsiyaad aan waxba ku darsan dhismihii SSC iyo xorrayntii Laascaanood ay dano-gaar ah uga faa’iidaysanayaan shuruucta bulshada.
“Kuwa maanta qaska ka wada Laascaanood hal dollar kuma aanay darsan SSC KHATUMO, Garoowe ayey shalay fadhiyeen maantana waxay doonayaan siyaasad ay xildhibaano ku noqdaan”, Siyaasi Cabdirisaaq Ataash.
Xubno katirsan xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa horay loogu eedeeyey inay arrinta SSC KHATUMO u karkarinayaan si ay kuraas ugu helaan doorashada 2026 maadaama aysan xiriir wanaagsan lalahayn madaxda ugu sarraysa Puntland.



