Siyaasiyiin mucaarad ah oo lagu soo dhaweeyey Boosaaso.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maanta lagu soo dhaweeyey siyaasiyiin xilal horay…

25 January, 2026

Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maanta lagu soo dhaweeyey siyaasiyiin xilal horay uga soo qabtay Puntland iyo dowladda federalka ah ee Somalia.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire iyo Liibaan Mashruuc oo xilal ka soo qabtay dowladda Somalia ayaa waxaa garoonka Boosaaso ku soo dhaweeyey qaar kamid ah bulshada gobolka Bari.

Siyaasiyiintaan oo siweyn uga aragti duwan madaxda Puntland ayaa la sheegay inay Boosaaso kaga qaybgeli doonaan shirweyne ay mid kamid ah beelaha Puntland ku yeelan doonto Magaalada Boosaaso.