Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Somalia ayaa saacadihii ugu dambeeyey baahinaysay muuqaalo loogu cududaarayo tallaabadii hawada…

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Somalia ayaa saacadihii ugu dambeeyey baahinaysay muuqaalo loogu cududaarayo tallaabadii hawada loogu celiyey ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka qaybgeli lahaa shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
Siyaasiyiin soo qabtay xilal kala duwan iyo kuwa hadda xilal ka haya dowladda ayaa sheegay in Muqdisho ammaankeedu yahay mid sugan aanna loo baahnayn ciidan loosoo kaxaysto, xilli ay xiran yihiin inta badan waddooyinka xarumaha dowladda.
Farxaan Cali Axmed, Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in amniga Muqdisho meeshii ugu wanaagsanayd joogo aysanna mudnayn in ilaalo loo soo kaxaysto,“Magaalada Muqdisho maanta maalin ay ka ammaan badantahay nama soo marin, mana ah magaalo ilaalo loo soo kaxeysto.”
Dhanka kalena, warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaalada xubno katirsan xildhibaanada heer deegaan oo sheegay in dowladdu amniga Muqdisho gaarsiisay boqolkiiba boqol ayna tahay in lagu ammaano.
“Amniga caasimadda waa mid 100% ah oo la isku haleyn karo, DFS-na waxaan ku ammaaneynaa ballanqaadkeedii amniga oo ay ka dhabeysay,” Xildhibaan ka mid ah golaha deegaanka, Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Caseyr



