Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo kulamo uga bilowdeen Muqdisho.

23 May, 2025

Qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka oo ay weheliyaan siyaasiyiin mucaarad ah ayaa Magaalada Muqdisho…

Qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka oo ay weheliyaan siyaasiyiin mucaarad ah ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo looga arrinsanayo xaaladaha ammaan, siyaasadeed iyo marxaladaha kala guurka ee Soomaaliya.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore  ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku sugan xarunta Macallin Nuur oo martiqaad rasmi ah loogu sameeyay.

Kulamadaan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa looga golleeyahay isku dubbaridka mucaaradka, midawnta afkaartooda iyo sidii ay u xoojin lahaayeen qorshohooda siyaasadeed ee dalka.

Madaxda dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku adkaysanaya hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay ka horyimaadeen qaar kamid ah maamulada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, xilli ay Alshabaab la wareegtey deegaamo horleh oo aan ka durugsanayn Muqdisho.