Siyaasiyiinta mucaaradka oo kulamo laleh odayaasha dhaqanka Muqdisho.

20 April, 2026

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo ay odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir kala…

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo ay odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir kala yeelanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxaladaha kala guurka ah iyo sidii looga hortegi lahaa firaaq dastuuri ah oo uu dalku galo.

Aqalka uu Muqdisho ka deggan yahay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa maanta ka bilowday kulamo u dhexeeya Madax hore, xildhibaano mucaarad ah, hoggaanka xisbiyo siyaasadeed iyo odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir oo ay kujiraan xubno taageera xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Furitaanka kadib waxaa kulanka banaanka looga saaray warbaahinta Madaxa-banaan iyadoo xubno ka qaybgelaya ay sheegeen in diiradda lagu saarayo sidii dalka looga badbaadin lahaa khilaaf siyaasadeed iyo deganaansho la’aan xilli ay Madaxtooyada Somalia ku adkaysanayso hirgelinta dameceeda doorashooyinka tooska ah oo mucaaradku diideen.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa doonaya inay odayaasha dhaqanka beelaha ay saamiga Wadaagaan madaxweyne Xasan Sheekh ku qanciyaan inuusan dalka gelin deganaansho la’aan siyaasadeed qabtana doorasho heshiis lagu yahay.