Siyaasiyiinta mucaaradka oo Muqdisho kula kulmay wakiilada beesha caalamka.

19 July, 2025

Xubnaha madasha samatabixinta siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiilada…

Xubnaha madasha samatabixinta siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiilada beesha Caalamka, gaar

Kulankaan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa siweyn loogaga hadlay qodobada xasaasiga ah ee doorashooyinka, siyaasadda, ammaanka qaranka iyo arrimaha dastuurka.

Wakiilada dalalka UK, Mareykanka, UN-ka, Midowga Yurub ayaa madasha yimi, si ay u dhegaystaan aragtida mucaaradka, iyadoo uu goobta ka maqnaa safiirka Turkiga oo Markab dalkiisa ka soo shiraacday shalay lagu qabtay xeebaha Puntland.

Madasha mucaaradka ayaa u sheegtay wakiilada beesha caalamka marxaladda siyaasadeed ee ay Dawladda Soomaaliya ku socoto iyo sida uu halista ugu jiro dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee midka lagu ahaa xili ay horey u maqnayd Somaliland.

Ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa HM u xaqiijiyey in wakiilada beesha caalamku ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya wajahayso iyo kala fogaanshaha hoggaanka siyaasadda dalka.