Xukuumadda Puntland ayaa digniin u dirtay siyaasiyiinta mucaaradka ee maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyada ka wadey…

Xukuumadda Puntland ayaa digniin u dirtay siyaasiyiinta mucaaradka ee maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyada ka wadey Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo kala guur ah.
Wasiir ku-xigeenka amniga dowladda Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo ka hadlayey Magaalada Galkacyo ayaa sheegay in Puntland uu ku noolaan karo han siyaasadeedna ka yeelan karo Puntland haseyeeshee uusan dhibaatayn karin ammaankeeda.
Wasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin cidkasta oo waxyeelaynaysa ammaankeeda isagoo laamaha ammaanka amar ku siiyey inay tallaabo ka qaadaan cidkasto oo amniga wax u dhimaysa.



