Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ay…

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ay ku sugan tahay Puntland, faragelinta dowladda federalka ah ee Somalia iyo tallaabooyin ay qaadday xukuumadda Siciid Cabdullaahi Deni.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo shalay hadlay waxa uu sheegay in Puntland uu xaalad adag geliyey Madaxweyne Deni, isagoo sheegay in DFS ay xaq u leedahay inay ciidamo aan Puntland ka amar qaadan ka qorato deegaankeeda, wuxuuna caddeeyey in dhaqaalaha laga qaato Muqdisho ay kunool yihiin shacabka Garoowe.
Wasiirkii hore ee deegaanka iyo Hay’adda doorashooyinka TPEC Guuleed Saalax Barre, ayaa dhankiisa habeenimadii xalay ku dhawaaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan kala jeclayn mucaaradka iyo muxaafidka Puntland haseyeeshee qorshihiisu yahay inuu burburiyo Puntland kana dhigo tuulooyin ay joogaan beelo hub isu haysta oo dirir ka dhexayso.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, waxa uu dhankiisa uga digey qof walba oo han siyaasadeed ka leh Puntland inuusan qayb ka noqon dhibaataynteeda isagoo mucaaradka ugu yeeray inaysan colaad usoo jiidin Puntland xukuumaddana ugu baaqay inay midnimada ka shaqayso.
Dhankooda Wasiiradii hore ee arrimaha dibadda iyo Gudaha Somalia Axmed Ciise Cawad iyo Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa ku baaqay in layska qabto cidkasta oo ku hawlan burburinta Puntland, iyagoo duray hanaanka federal ee xilligaan ka jira Somalia.




