Warqado kala duwan oo ay soo saareen Wasaaradda Amniga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Xafiiska…

Warqado kala duwan oo ay soo saareen Wasaaradda Amniga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Xafiiska Maareeye-ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa si adag loogaga hadlay hab maamulka ammaanka shirkadaha & shaqaalaha garoomada diyaaradaha Muqdisho iyo Laascaanood, xilli ay soo ifbexeen wararka la xiriira ammaanka socdaalkii Madaxweyne Firdhiye ee Muqdisho ilaa gobolka Sool.
Warqadda ay Wasaaradda Amniga ee Waqooyi Bari soo saartay 4-tii Oktoobar 2026, oo uu saxiixay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamuud Xuseen Jibriil (Caateeye), ayaa lagu sheegay in shirkadaha duulimaadyada iyo cid kasta oo la macaamisha garoomada diyaaradaha looga baahan yahay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee maamulkaas, iyadoo laga digey inay ka dhoofaan shaqsiyaad ama ilaalo hubaysan oo ay xukuumaddu ogolaansho siin.
Warqadda Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale xustay in shirkadaha duulimaadyadu ay tahay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarada iyo shuruudaha ay soo saarto Wasaaraddu, iyadoo digniin loo diray cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirtaas.
Dhanka kale, warqad ku taariikhaysan 6-dii Oktoobar 2026, oo ka soo baxday Xafiiska Maareeye-ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa lagu xoojiyey waajibaadka shirkadda loo xilsaaray adeegyada qalabka baarista iyo nidaamka amniga ee loo yaqaan “Reflector” ee Garoonka Aadan Cadde.
Arrintaan ayaa ku soo aaddey xilli ay soo ifbexeen warar sheegaya in diyaaraddii qaadaysay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye ay isku dayeen inay raaceen shaqsiyaad hubaysan oo ku siijeedey Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulkaasi.





