Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay gurmad iyo gargaar gaarsiin doonaan…

Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay gurmad iyo gargaar gaarsiin doonaan deegaamada ay dagaaladu ka socdaan ee gobolka Hiiraan.
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo xilli hore oo saaka ah u ambabaxay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay wadaan gurmad iyo gargaar caafimaad.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in gargaarkaani ka kooban yahay sahay ciidan, agab caafimaad iyo gargaar loogu talagalay shacabka ku sugan deegaamada colaadugu sameeyeen ee ku sugan gobolka Hiiraan.
“Deegaamada aan ku socono dagaalka waxaa u dheer xaalad abaareed dadka deegaankaasina aadbay noogu soo cabaadeen, waxaannu u wadnaa dawooyin iyo dhaqaatiir, waxaan kaloo ku talo jirnaa inaan dadka colaaduhu saameeyaan gaarsiino cunno”, Guddoomiye Maxamuud Macalin.