Somalia iyo Sri Lanka oo dib u soo celiyey xiriirkoodii diblumaasiyadeed.

Wadamada Somalia iyo Sri Lanka ayaa muddo dheer kadib dib u soo celiyey xiriirkoodii diblumaasiyadeed, sida…

21 April, 2026

Wadamada Somalia iyo Sri Lanka ayaa muddo dheer kadib dib u soo celiyey xiriirkoodii diblumaasiyadeed, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federalka ah ee Somalia.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Cabdullaahi Maxamed Odowaa , ayaa magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka kulan kula qaatay, madaxweynaha Sri Lanka Anura Kumara Dissanayak.

Kulanka Safiirka iyo Madaxweynaha waxaa lagu bogaadiyay soo noqoshada xiriirka tooska ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sri Lanka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka waxbarashada, ganacsiga, iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha.