Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiis dhanka dekadaha ah…

Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiis dhanka dekadaha ah la saxiixday wasiirka gaadiidka ee Boqortooyada Sucuudiga Carabiya, Saleh bin Nasser Al-Jasser.
Is-afgaradkaan ay kala saxiixdeen labada dal ayaa salka ku haya iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya.
Dowladda Somalia ayaa xustay in heshiisku si gaar ah diiradda u saarayo horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.
Dhanka kalena, DFS ayaa sheegtay in heshiiskaani uu kor u qaadayo hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda iyo xoojinta doorka Somalia ee gacanka Cadmeed.



