Xukuumadda federalka ah ee Somalia oo horay u sheegtay in dowladda Turkigu siisay diyaaradda F16 ayaa…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia oo horay u sheegtay in dowladda Turkigu siisay diyaaradda F16 ayaa beenisey arrintaasi, kadib cadaadis kaga yimid xukuumadda Ankara.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo horay warkaan u sheegay ayaa markale sheegay in warkiisii hore si kale loo qaatay ayna diyaaradahaasi leedahay dowladda Turkiga.
Arrintaan ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay warbaahinta u xaqiijiyeen inay timid kadib markii xukuumadda Turkigu ku cadaadisay beeninteeda maadaama diyaaradahaan oo laga iibiyey Maraykanka aan loo ogolayn gacan saddexaad.
Saddex kamid ah diyaaradaha F16 oo dhawaan lagu arkay hawada Muqdisho ayaa la xaqiijiyeyin loo keenay ilaalinta danaha Turkiga ee Somalia gaar ahaan arrimaha shidaal qodista.



