Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa caalamka ka sodsatay in laga taageero la dagaalanka falalka burcad-badeednimada ee…

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa caalamka ka sodsatay in laga taageero la dagaalanka falalka burcad-badeednimada ee muddooyinkii dambe kusii kordhayey xeebaha dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Somalia ayaa loogu yeeray beesha caalamka inay taageeraan ciidamada Soomaaliya ee ilaalada iyo amniga badda, kuwaas oo ay sheegtay in ay tallaabooyin ka qaadayaan shabakadaha burcad-badeedda, iyaga oo ka howlgalaya badda iyo dhulkaba.
Dowladda Federaalka waxay sheegtay in ay arrintan Burcad-badeedda horgeyn doonto Golaha Ammaanka, islamarkaana ay si dhow ula shaqeyn doonto saaxiibbadeeda gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan iskaashiga lagu sameeyo xeerka anshaxa Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo wax ka beddelka Jidda (Jeddah Amendment).





