Somalia oo ka baxday dalalka golaha ammaanku qaaraanka ku lee yahay.

24 February, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha…

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha ay dowladda Soomaaliya kaga baxday dalalka deymaha lagu lee yahay ee kujira golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay Soomaaliya 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib dedaal muddo dheer socdey.

Fiqi wuxuu intaasi ku daray in arrintaani ay timid ka dib markii ay dawladda Soomaaliya bixisay dhammaan qaaraankii lagu lahaa, tallaabadaasina ay keentay inay korortay sumcadda Soomaaliya.

Dhanka kalena, Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dowladaha aan bixin qaraanka aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada goalaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, sida ku cad liiskaan hoose oo ay ku jiraan dowlado badan.