Dowladda Somalia ayaa hanjabaad culus u dirtay maamulka Yuhuudda Kadib markii uu safiir aan joogto ahayn…

Dowladda Somalia ayaa hanjabaad culus u dirtay maamulka Yuhuudda Kadib markii uu safiir aan joogto ahayn u magacaabay Magaalada Hargiesa ee xarunta maamulka Somaliland oo shaaciyey inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.
Danjiraha Midowga Africa u fadhiya Somalia, Amb. Cabdullaahi Warfaa ayaa qoraal oo ku daabacay bartiisa X ku sheegay in wadan kasta oo faragelin ku sameeya midnimada iyo wadajirka JFS uu cawaaqibxumo adag la kulmi doono.
“Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u diraysa Israa|l ayaa sheegtey; in dal kasta oo faragashta midmimada & wadajirka JFS uu la kulmayo cawaaqib-xumo adag oo ay ku jirto xayirado suuragal ah oo DFS ku soo rogto marin-biyoodka Baab Al-Mandeb”, Ayuu yiri Danjire Warfaa.

Bayaankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Israel oo dagaal ka wadda Bariga dhexe ay doonayso kordhinta saamaynteeda qaaradda Africa, iyadoo ay horay u taageereen dalalka ay kamid tahay Uganda oo ciidankeedu joogaan gudaha Somalia.



