Qaramada Midoobay ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku xustay magaalada Boosaaso ee Puntland inay…

Qaramada Midoobay ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku xustay magaalada Boosaaso ee Puntland inay ka mid tahay goobaha loo adeegsaday marinno lagu gaarsiiyo taageero ciidamada RSF ee dagaalka kula jira dowladda Sudan. Warbixinta ayaa sheegtay in guddiga Qaramada Midoobay uu helay “sababo macquul ah” oo lagu aaminsan yahay in shabakado caalami ah oo ku lug leh qorista dagaalyahanno, iyadoo la soo marsiiyey dalalka Somalia, Chad iyo koonfur-bari Liibiya.
Sida warbixintu xustay, taageeradan ayaa qayb ka noqotay awoodda RSF ay u adeegsatay howlgalladii ay ka fulisay xerada Zamzam iyo weerarkii ay markii dambe kula wareegtay magaalada El-Fasher, halkaas oo Qaramada Midoobay ay diiwaangelisay xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Mona Rishmawi, oo ka tirsan khubarada Guddiga Xaqiiqo-raadiyaha Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in baaritaanku uu muujiyay jiritaanka silsilad shabakad caalami ah oo ka gudubta dhowr dal, taas oo RSF siisay dagaalyahanno ajnabi ah, tababar, hub iyo saadka.
Puntland ayaa horey u beenisay eedeymo la xiriira in dhulkeeda ama magaalada Boosaaso loo adeegsado taageerada ciidamada RSF, iyadoo wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Somalia uu horay eedaymo siyaasi ah oo ku aaddan arrintaasi ugu jeediyey Puntland.
Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa Horseed Media u sheegay in warbixintaani loo sababeeyey sheegashadii Wasiir Fiqi oo ay ku tilmaameen galgalasho siyaasadeed, haseyeeshee dalka u soo jiiddey sumcad dil iyo magacxumo aan laga fiirsan.




