Somalia oo QM ka weerartay weerarkii Israel ee Qadar.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa saacadihii la soo dhaafay siweyn u hadal haysay khudbad uu golaha ammaanka…

12 September, 2025

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa saacadihii la soo dhaafay siweyn u hadal haysay khudbad uu golaha ammaanka Qaramada Midoobey ka jeediyey Danjiraha Soomaalida ee QM, Abuukar Baalle.

Danjire Baalle ayaa si adag uga hadlay xaaladda Bariga dhexe iyo gardarrooyinka Qaawan ee maamulka Yuhuuddu ku beegsanayo Falastiin iyo qaar kamid ah dalalka kale ee mandaqadda.

Danjiraha Soomaalida ee QM, Abuukar Baalle, ayaa sheegay in Somalia ay garab taagan tahay dowladda Qadar ayna xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo kasta oo ay ku difaacayso madax banaanideeda, isagoo sheegay in Qaramada Midoobey ay indhaha ka daawanayso dhammaan gardarrooyinka Yuhuudda.

“Waxa aan garab taagan nahay walaalaha Qadar oo xaq u leh in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay kaga jawaabayaan gardarrada aan geedka loogu soo gabban ee Yuhuudda, Waxqabad la’aanta Golaha Ammaanka aanu waxba ka qabanayn Israel waxa ay shuruucdii caalamka ka dhigtay hadal keli ah”, Ayuu yiri Danjiraha Soomaalida ee QM, Abuukar Baalle.