Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay faragelinta maamulka Israa’iil ee Somalia,…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay faragelinta maamulka Israa’iil ee Somalia, kadib aqoonsigii Somaliland isagoo sheegay in tallaabadaasi ay sii kordhisey xasillooni darrada iyo wiiqidda nidaamyada caalamiga ah.
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyey Aljazeera ayaa waxa uu sheegay in Somalia aysan waligeed oggolaan doonin in saldhig Israa’iil laga dhiso Somaliland, ayna la dagaallami doonaan haddii Israel qaaddo tallaabo kasta oo noocaas ah.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siweyn uga digey in saldhigga kasta oo Yuhuuddu ka dhisato Somaliland uu noqon doono goob laga weeraro dalalka deriska ah.
Hadallada Maxamuud waxay yimaadeen iyadoo ay jiraan cabashooyin gobol oo ka dhashay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu bishii December ugu aqoonsaday Somaliland dowlad ka madax-banaan Somalia inteeda kale.



