Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka…

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Qatar, Sheikh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani.
Muddadii uu socdey kulanku ayaa Wasiir Fiqi ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.
Dhanka kalena, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarradaas, isaga oo ku tilmaamay falal xadgudub ku ah amniga iyo madaxbannaanida Qatar, isla markaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.




