Somalia oo taageertay heshiis ay meelmariyeen golaha wasiirada Sucuudigu.

21 May, 2025

Golaha xukuumadda ee boqortooyada Sucuudiga ayaa meelmariyey heshiis Iskaashi dhanka ammaanka ah oo ay bishii February…

Golaha xukuumadda ee boqortooyada Sucuudiga ayaa meelmariyey heshiis Iskaashi dhanka ammaanka ah oo ay bishii February 2025 magaalada Jeddah ku kala saxiixdeen Hay’addaha sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Somalia iyo Sucuudiga.

Heshiiskaan ayaa salka ku haya la dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo sidii laysaga kaashan lahaa joojinta taageerada dhaqaale iyo maalgelinta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya.

Tallaabada ay qaadeen golaha xukuumadda ee boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyey Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (San-balooshe”.