Somalia oo xubno ku yeelanaysa barlamaanka bulshada Bariga Africa.

12 October, 2025

Soomaaliya ayaa diyaarinaysa xubnaha xildhibaanada labada aqal ee ku matali doona barlamaanka bulshada Bariga Africa oo…

Soomaaliya ayaa diyaarinaysa xubnaha xildhibaanada labada aqal ee ku matali doona barlamaanka bulshada Bariga Africa oo ay Soomaaliya ku biirtay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ka shaqayn doona soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Guddigaan ayaa guddoomiye looga dhigay xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuur, iyadoo la faray inay sida ugu dhaqsaha badan u soo diyaariyaan xubnahaasi.