Somaliland: Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay Burco

15 May, 2025

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday warar sheegaya in xukuumadda Somaliland ay sii dayn doonto maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood, taasi oo ay Shacabka magaalada Burco si weyn u diideen.

Dadka mudaharaadka dhigayey ayaa sheegay in aan lasii deyn maxaabiista laga hayo SSC-Khaatumo, balse marka hore lasoo daayo maxaabiista Somaliland ee ku jira xabsiga magaalada Laascaanood.

Shacabkan careysan oo buburiyey gaadiid dowlada leedahay ayaa xiray wadooyinka waaweyn, iyadoo ciidamada booliiska rasaas ay rideen ku dhaawacmeen tiro dad rayid ah.

Maamulka Somaliland ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin wararka sheegaya in maxaabiis lasii deynayo, walow wararkaasi si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

Horey ayey Somaliland u siideysay 11 maxbuus oo kasoo jeeda Puntland oo lagu qabtay dagaaladii Laascaanood, halka Puntland dhankeeda xoriyadooda siisay 16 kamid ah askartii Somaliland looga qabtay dagaalkaas, kadib markii labada maamul ay xiriir toos ah yeesheen.

Balse maxaabiista ugu badan ee laga hayo Somaliland ayaa ku jira xabsiga Laascaanood, waxaana weli lagu guuleysan in wadahadal toos ah dhexmaro Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa bishii hore siidaayey 25 qof oo kasoo jeeda Somaliland kadib booqashadii uu Raysalwasaaraha Federaalka ku tagay Laascaanood.

Hase-yeeshee caqabada ugu weyn arrimaha siideynta maxaabiista ayaa lagu sheegay diidmada Maamulka Somaliland uu diiday inuu wada-xaajood toos ah la galo SSC-Khaatumo.