Maamulada Jubbaland iyo Somaliland ayaa siweyn uga soo horjeestey go’aankii golaha wasiirada Somalia ku laaleen dhammaan…

Maamulada Jubbaland iyo Somaliland ayaa siweyn uga soo horjeestey go’aankii golaha wasiirada Somalia ku laaleen dhammaan heshiisyadii ay dowladda Somalia horay ula gashay dhiggeeda Imaaraadka Carabta.
War-saxaafadeedyo ka soo baxay Hargeysa iyo Kismaayo ayaa siweyn loogu dhaliilay dowladda federalka ah ee Somalia, iyagoo sheegay in dhammaan go’aamada Muqdisho aysan ka dhaqangeli doonin deegaamada labadaasi maamul ka arrimiyaan xilligan.
Somaliland waxay sheegtay inay tahay dal ka madax-banaan Somalia inteeda kale, ayna xaq dastuuri ah u leedahay gelitaanka heshiisyo caalami ah iyo kuwa lagu horumarinayo deegaankeeda.

Jubbaland oo sheegtay in dowladda federalka ah ee Somalia ku fashilantay dagaalka Alshabaab iyo midnimada dalka ayaa sheegtay in heshiiska horumarinta iyo ballaarinta dekedda Kismaayo uusan qusayn arrimo siyaasadeed uuna sii socon doono.




