Somaliland iyo SSC oo ku dagaalamay Buq-dharkayn.

7 March, 2025

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo maanta gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada maamulka SSC…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo maanta gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada maamulka SSC KHATUMO iyo kuwa Somaliland ee isku horfadhiya furimaha dagaalka.

Dagaalkaan oo ka dhacay deegaanka Buq-dharkayn oo labada dhinac fariisimo ka samaysteen Agoos 2023 ayaa la sheegay inuu sababay khasaare isugu khasaare nafeed iyo mid maal, waxaana muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadu muujinayaan maxaabiis iyo gaadiid lakala qabsaday, inkastoo aysan jirin ilo wareedyo ka madax banaan sheegashada.

Qoraal ka soo baxay maamulka SSC KHATUMO ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay barqanimadii hore ee saaka weerar ku soo qaadeen fariisimada SSC ee Buq-dharkayn, ayna iska difaaceen duulaankaasi.