Qaar kamid ah warbaahinta ka hawlgasha Israel ayaa baahiyey in xukuumadda Somaliland ay ogolaatay in deegaamadeeda…

Qaar kamid ah warbaahinta ka hawlgasha Israel ayaa baahiyey in xukuumadda Somaliland ay ogolaatay in deegaamadeeda la geeyo malayshiyaad la shaqayn jirey ciidamada Yuhuudda kana soo horjeedey xoogagga Xamaas.
Malleeshiyadan ayaa la sheegay in noloshooda khatar ku jirto, kaddib markii Ciidamada Israa’iil ay bilaabeen inay ka baxaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Marinka Qasa, kadib heshiiskii nabadda ee Maraykanku garwadeenka ka ahaa.
Kooxdaan oo ay aas-aaseen Militeriga Israa’iil xilligii dagaalka socday, si ay u abuuraan colaad sokeeye oo dhex marta kooxaha Falastiiniyiinta, ayaa xilligaan la qorshaynayaa in la geeyo meel ka baxsan dhulkooda gaar ahaan Somaliland.
Ururka Xamaas ayaa horay u sheegay inuu diley hoggaamihii ugu sarreeyey malleeshiyadaas, taasoo keentay inuu fashilmo qorshe uu watay Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu.




